Beesha Mudulood oo berri shir ka yeelanaya halista ay wajahayaan Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimad Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay odayaasha beesha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaas oo ka dhacay Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho.

Odayaasha beesha uu ka soo jeedo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guud ahaan siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Mudulood ayaa berri ku ballamay mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho waxaana loo yeeray Xildhibaanada ay Mudulood ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan aqbali karin sidii loola dhaqmay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya iyo hadalkii daba joogay ee Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee digniinta ahaa.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in kulanka Mudulood kadib maalmo kadib la qaban doono kulan ay u dhanyihiin beelaha Hiraab, islamarkaana looga hadli doono qatarta dalka ka jirta.

Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaaanka Soomaaliya ee Mudulood ka soo jeeda ayaa berri kulankaasi ka qayb gali doono waxaana la filayaa in go’aano ay ka soo baxaan sida ay noo sheegeen odayaasha dhaqanka Mudulood qaarkood.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com