Xasan iyo Gaas oo ku heshiiyey qorshe 2016 ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa gaaray heshiis ku saabsan hiigsiga sanadda 2016-ka, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Heshiiskan ayaa waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh siinayaa laba sano oo dheeraad ah oo xukunka Soomaaliya uu sii hayo, isaga oo kadibna taageeri doona in Cabdi Weli Gaas uu Somalia madaxweyne ka noqdo 2018-ka.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, qorshahan ayaa waxaa lagu higelin doonaa khilaaf beenaad Puntland iyo dowladda ay abuuri doonaan kahor 2016-ka, si dowladda iminka jirta waqtiga loogu kordhiyo.

Khilaafkan ayaa waxa uu ku saleysnaan doonaa in la isku waafiqi waayo qaabka doorashada 2016-ka, taasi oo Xasan Sheekh siin doonta cudur daar uu beesha caalamka kaga dhaadhiciyo inaan doorasho la qaban karin, sidaa darteedna waqtiga loo kordhiyo dowladda iminka jirta.

Puntland iyo Jubaland ayaa doonaya in gobol ahaan wax loo qeybsado, halka maamulada kalena ay rabaan hab qabiil, taasi oo abuuri doonta ismarin waa Xasan Sheekh uu ka faa’ideysan doono. Si kastaba, wararku waxay sheegayaan in Xasan Sheekh iyo Gaas ay hoos iska og yihiin, khilaafkuna yahay mid la dhisayo un.

Taas beddelkeeda, Gaas waxa uu heli doonaa in qof cusub uu u keensado inuu noqodo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib 2016-ka, markaasi oo Cumar Cabdirashiid meesha laga saari doono. Waxa uu sidoo kale isku diyaarinayaa inuu Soomaaliya madaxweyne ka noqdo 2018-ka.

Lama garanayo, kalsoonida weyn ee Gaas uu ku qabo Xasan Sheekh, oo uu heshiiskan ku galay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com