Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliso gabadhiisa Jihaan ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.
Madaxweynaha iyo Marwo Sophie ayaa ka wada -halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kas oo baxay Villa Somalia.
Inta uu socday kulanka waxaa kale oo si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada oo muhiim u ah labada dowladood.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.
Marwo Sophie, Duchess of Edinburgh ayaa dhankeeda Madaxwaynaha uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Waxaa kale oo ay xustay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda, waxayna dowladda ku bogaadisay dadaalkeeda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada dowladood ay ku xoojinayaan iskaashiga istiraatiijiyadeed, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga si loo gaaro horumar waara.
UK ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, taas oo ku aadan dhanka dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo taageerada ciidamada.


