Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta wadajir u xusay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta oo horseeday dib u dhiska dowladdnimada Soomaaliya oo maanta lagu qabtay dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta, iyada oo ay sidoo kale goobjoog ahaayen madax iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday labada dowladood, madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiin, dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda Soomaalida oo ah Madxaf qaab casri ah loo dhisay, lagana hirgaliyay magaalada Carta, kaasi oo lagu keydiyay Taariikhda Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalliin Fiqi ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee uu isagu kamid yahay ee hadda jooga Jabuuti, ayaa sheegay in ay u mahad-celinayaan Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa oo waqti geliyay dowladnimada Soomaaliya.
“25 sano kadib inaan u dabaal dagno u mahadcelino Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti ugana mahadcelno meesha lagu aas aasay dib loogu soo celiyay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya mahad-celintaas ayaan wadnaa” ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray Fiqi “Waxaan joognaa in dowladnimadii halkan lagu yagleeyay ay maanta shaqeyneyso maanta QM ay fadhido dalkeedii anfaceyso, aduunkiina uu ka babanayo calanka Soomaaliya”.
Jabuuti ayaa ah dal walaal iyo daris la ah Soomaaliya, isla markaana abaal u galay dadka Soomaaliyeed, maadaama lagu soo yakleelay dowladnimada Soomaaliya oo haatan mareysa meel wanaagsan, kadib heerar kala duwan iyo marxalado adag oo lasoo maray.


