Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta shir xasaasi ah ay mar kale yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka dalka, kaas oo diiradda lagu saarayo marxaladda adag ee dalka uu ku jiro & khilaafaadka taagan.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee uu horkacayo Sheekh Shariif ay maanta tagi doonaan xarunta Villa Somalia, halkaas oo uu ku qaabili doono Madaxweyne Xasan, si loo sii amba qaado wada-hadalladii soo socday ee labada dhinac.
Sida ogaatay Caasimada Online, mucaaradka ayaa weli si weyn ugu dheggan qodobada la xiriira dib u eegista ay dowladdu ku sameysay Dastuurka, halka hoggaanka Villa Somalia uu wato ajande ah in dhinaca amniga, gaar ahaan in xoogga la saaro dagaalka Al-Shabaab.
Shirkan kahor siyaasiyiinta mucaaradka ayaa yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay isaga xog wareysteen qodobada ay la shir tagayaan iyo haddii ay waayaan sida ay wax u doonayaan wixii ay sameyn lahaayeen.
Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in maanta labada dhinac ay si toos ah u guda galaan doodda u dhexeysa ee ku aadan is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka KMG ah, kaasi oo labada dhinac ay la tashiyo kasoo sameeyeen kadib markii la isku dhaafi waayay shirarkii hore.
Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka dowladda, haddana ma cadda in isfaham ay labada dhinac ku gaari kadaan shirka maanta, oo si dhow isha loogu hayo.
Shirkan waxaa ka horreeyay saddex shir oo hore oo ay dhinacyadu kaga doodeen arrimaha hortabinta u leh dalka, balse laguma gaarin wax natiijo ah, iyada oo lagu ballamay inay sii socdaan wada-hadallada oo mar kale maanta oo Axad ah dib loo sii amba qaadi doono.
Maxaa laga fili karaa shirkaan?
Shirka furmay maanta oo ay ku beegan tahay 10-ka bisha August, labo arrimood midkood ayaa laga filan karaa:
1- Inuu noqdo shir ay ka soo baxaan natiijo shacabka Soomaaliyeed u riyaaqaan, sida in laga heshiiyo waxa dhabta ah ee la isku diidanyahay oo ah nuuca doorashooyinka 2026, guddiga doorashooyinka, dastuurka dalka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.
Heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay waxaa loola jeedaa in wada-xaajoodka la ballaariyo oo la gaarsiiyo madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.
Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah in la dhagaysto aragtiyadda iyo tallooyinka dhinacyada kale ee siyaasadda sida madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
2. Haddii haddaba, Madaxtooyadu ku adkaysato rabitaankeeda siyaasadeed, isla markaana mucaaradka ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed aysan kala qaybsamin, waxaa markaa keddib, la filan karaa, hubanti la’aan siyaasadeed oo baahnsan.