26.1 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xasan Kheyre oo maanta loo qaadayo codka kalsoonida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu hortago labada Gole ee baarlamaanka Somalia.

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa Xildhibaanada labada Aqal weydiisan doona codka kalsoonida waxaana lagu wadaa in halkaasi uu ka jeedo khudbad uu ku cadeyn doono waxyaabaha ay qaban doonto Xukuumadiisa cusub.

Kheyre ayaa sidoo kale Xildhibaanada ka hor cadeyn doona shaxda uu kusoo dhisi doono Golaha Wasiirada waxaana la filayaa in intaa kadib ay go’aan ka gaaran Xildhibaanada.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa la faray inay soo xaadiraan kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka, oo qeyb ka noqon doona kalsooni siinta Ra’isul wasaaraha magacaaban.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka, waxaa Madaxweynuhu ka codsan doonaa Xildhibaanada inay codka kalsoonida siiyaan.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa maalmihii ugu danbeeyay kulamo la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee beelaha, isagoo weydiisanayay inay codka kalsoonida siiyaan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa sheegaya inay u badan tahay in Ra’isul wasaaraha uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News