Xasan Mudeey: Xubnaha nagu matala DF waa inay garab istaagan degankooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ahna la-taliyaha sare dhanka saxaafadda maamulka Hirshabelle State ayaa ugu baaqay Xildhibaannada labada gole ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle State in ay garab istaagaan shacabka ay wakiilka uga yihiin dowladda dhexe.

Xasan Muudeey ayaa bartiisa facbooka kusoo daabacay baaqa ku aaddan Xildhibaannada iyo wasiirrada dowladda dhexe kusoo daabacay bartiisa facbooka ayuu aad uga dhawaajiyay muhiimadda ay uleedahay in taageero lagarab istaagaan bulshada ay wakiilka uga yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, sidaan ayuuna uqornaa:-

Xildhibaannada labada gole iyo wasiirrada dowladda dhexe nagu matala kana soo jeeda deegaannada Hirshabelle State waxaa laga rabaa in ay booqdaan halkii ay deegaan doorashadoodu ahayd.

Waxaa laga rabaa in ay muujiyaan garab istaagga waajibka ku ah, waxaa laga rabaa in deegaanadeena baahiyooyinka dadkeenu ay qabaan sheegaan ,waxaa laga rabaa in ay warbaahinta qaranka ee uu wasiir Maareeye mas’uulka kayahay gaarsiiyaan in aan kamid nahay dowladnimada kajirta dalka.

Waa muhiim in ay faham kawada yeeshaan deegaannada ay kasoo jeedaan looga baahan yahay, waa muhiim in dadkooda wixii khilaafaad kadhax jira ay nala xalliyaan.

Waxaan markasta lawadaagayaa in loo baahan yahay in ay uguntadaan sidii aan usamata bixin lahayn shacabkeena oo aysan dhayalsan, waa muqaddas in mas’uul kasta uu gudto wixii loo wakiishay.

Shacabkeena qiimaha badan ee Hirshabelle State waxaan iyagana leeyahay ilaashada midnimadiina iyo kashaqeynta wax kasta oo hormarin kara deegaannadeena.