Goorta la caleemo saarayo Qoor Qoor oo la shaaciyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa goor dhaw shaaciyey waqtiga loo qorsheeyey in ay dhacdo xafladda caleema saarka.

Yuusuf Garaad oo fariin kooban soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in wada tashiyo dheer oo ay xubnaha guddigu madaxtooyada la yeesheen kadib la go’aamiyey waqtiga rasmiga ah oo la qabanay xafladda caleema saarka madaxda Galmudug.

“Wadatashi Madaxtooyada Galmudug ka dib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusa Marreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray arintaas oo Dhuusamareeb ku sugan.

Xafladaas ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan wafuud ka kala socota dowladda federaalka maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

9-kii bishan ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood, kaas oo loo xilsaaray in uu ka soo shaqeeyo xafladda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxayna haatan xubnaha guddigaasi ku suganyihiin magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.