Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dadaal dheeri ah ugu jirtay sidii loo sameyn lahaa maamul goboleed ay ku mideysan yihiin gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo noqonaya maamulka ugu dambeeyay ee kamid noqda nidaamka Federaalka, sida madaxda ay sheegaan.
Qorshaha dowlada Soomaaliya wuxuu ahaa dhismaha maamulkaasi iyo hogaanka maamulka si taageeri buuxda uga hesho hogaanka la doonayay in loo sameeyo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo la qorsheeyay in laga dhiso shaqsiyaad si weyn igu dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya.
Dhismaha maamul goboleedkaasi ayaa waxaa fashiliyay siyaasiyiin badan iyo qaar kamid ah dowladaha deris kuwaasi oo aan dooneyn horumarta dalka Soomaaliya, waxayna caqabad kaga dhigayeen dowlada Soomaaliya iney waqti badan ku lumiso dhismaha maamulkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa magaalada Istanbul ku heysta hal garab uu isku haleyn karo oo ah madaxweynaha Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed oo si dhow saaxiibo u yihiin.
Wuxuu sidoo kale heystaa Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Axmed Madoobe oo uusan si weyn ugu kalsooneyn marka loo eego siyaasada iyo sida ay u kala aragti dwan yihiin.
Haddii dowlada ay xooga saari laheyd dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe kuna guuleysan laheyd, Xasan Sheikh ayaa garbihiisa waxay ahaan lahaayeen kuwo buuxa, sababtoo ah wuxuu heysan lahaa C/kariin Guuleed iyo madaxweynaha Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe oo uu isku haleyn lahaa.
Maamulka labada gobol ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu cod iyo taageeraba ku heli lahaa xiligii laga hadlayay nooca doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

