25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

XASAN Sheekh iyo Erdogan oo qorshe gaar ah…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo ku howlan la kulanka Madaxda Dowlada Turkiga ayaa sheegay in Dowlada Somalia aysan ilaawi doonin garabka ay ka heleyso Dowlada Turkiga.

Xasan Sheekh waxa uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan si gaar ah u weydiistay laba jibaarida garabsiinta Somalia, isaga oo si gaar ah uga codsaday inay dhisaan Hay’adaha amaanka Somalia.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale, Erdogan usoo bandhigay in Turkiga ay uga baahan yihiin in mudada ka harsan doorashada Somalia, ay tababaro degdeg ah siiyaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada si uu yiri ay u xaqiijiyaan amaanka Xarunta Doorashada ka dhici doonta.

Mar uu Madaxweyne Xassan dhigiisa kala hadlay Doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, ayaa waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia aysan heysan dhaqaale iyo amni ku filan, waxa uuna dhigiisa ka dalbaday in Somalia uu arrimahaasi kala qeybqaato.

Madaxweyne Xassan iyo Recep Tayyib Erdogan, ayaa isla meel dhigay in kulamo kale ay isku arkaan kaasi oo ay uga wada arinsan doonaan Hanaanka doorasho ee Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa si diiran usoo dhaweeyay dhammaan dalabyada uu Xassan Sheekh gudbiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News