Kulankii Xasan Sheekh iyo Ruto ee Addis-Ababa oo uu ballan-qaad culus kasoo baxay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia dhigiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka Al-Shabaab iyo dadaallada ku biirida Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo xaaladda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay dhigiisa dalka Kenya dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan kamid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhigiisa dalka Kenya in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la’ah.

Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada ee dalka Ethiopia u jooga ka qeyb-galka shirka meertada 36-aad ee Midowga Afrika, isaga oo shalay ka jeediyay khudbad taariikhi ah, oo la xiriirtay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka.