DF oo shuruud cusub ku xirtay Shabaabka isku soo dhiibaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay in weli fursad haystaan horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab, xilli ay howl-galo xooggan ka socdaan qeybo bada oo dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu yahay mid siyaasadeed oo dalka u dagsan, islamarkaana ay ku xiran yihiin shuruudo dhowr ah.

“Dadka fikirkaas (Shabaabnimada) ka noqda oo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo haysan waa soo dhaweynaysaa dowladda, albaabkana waa u furan yahay, wayna socotay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu yiri Al-Cadaala.

“Sida Madaxweynaha Jamhuuriyada, Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadda marar badan ku cel-celiyeen, dowladda Soomaaliyada waxay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso dadka la marin-habaabiyey ee Khawaarijta ahaa marka ay ka gadaal fikirkaas kasoo noqdaan.”

Wasiir Al-Cadaala marnaba ma carabaabin magacyadda xubnaha ka reeban liiska isa-soo dhiibayaasha, marka laga soo tago in shuruudaha loo fiirinayo Shabaab-ka ay qaabileyso dowladda in ay yihiin kuwo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo haysan.

Madaxda sare dalka ayaa hore dhowr jeer ugu baaqay dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.

Si kastaba, Hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la’leh al-Qaacida ayaa waxaa qaarkood madaxooda dul-saaran malaayiin dollar, ayada oo loo haysto inay ku lug leeyihiin weeraro ka dhacay dalka iyo kuwa deriska.