24.2 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Xasan oo ganacsade caan ah u wada maamulka Hiiraan & SH/D

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wado qorsho cusub oo uu kusoo xulanaayo Madaxweynaha cusub ee maamulka loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu xilkaasi kula heshiiyay Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah Ganacsade uu Xassan Sheekh aamin sanyahay.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhowr jeer Xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaan C/qaadir Cosoble waxa uuna kala hadlay xilkaasi, iyadoo uu Xildhibaanka soo dhaweeyay sheegayna inuu ka bixi karo.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble, ayaa iminka wada ololo uu kaga qeybqaadan doono doorashada madaxweynaha maamulkaasi, inkastoo uu jiro warar sheegaya in hamigiisa uu yahay inuu isu soo taago Xilka Madaxweynenimo.

Madaxweyne Xassan ayaa dhan dhaqaale iyo dhan Siyaasadeedba uga cabsi qaba Xildhibaan C/qaadir Cosoble, waxa uuna Xildhibaanku lafdhabar u ahaa Siyaasada uu Xassan ku noqday Madaxweynaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee waxaan cadeyn mowqifka saxda ah ee uu Xassan Sheekh ka qaatay Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News