30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

XASAN oo ka hadlay shirka Istanbuul iyo arrin…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo iminka ku sugan magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga ayaa si hordhac ah uga hadlay shirka maanta ka furmi doona dalka Turkiga.

Madaxweyne Xassan oo magaalada Istanbuul macluumaad kooban kusiiyay Saxaafadda ayaa sheegay in Dowladiisu ay mar waliba dulqaad u leedahay u tanaasulida Maamulada dalka, waxa uuna tilmaamay in DF ay hamuun u qabto helida Siyaasad mideysan oo ka hanaqaada gayiga Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu carab dhabay in Shirka ka furmaaya magaalada Istanbuul ay diyaar u yihiin in wax waliba ay dulqaad u yeeshaan waxa uuna tilmaamay in go’aanka DFS uu yahay Somalia oo mid ah iyo in shirka uu kasoo baxo qodobo raali galin doona guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada uu shirka kulmin doona.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan waxa uu tilmaamay in Ujeedka ay u yimaaden Turkiga uu yahay in Adduun weynaha uu xaliyo Soomaalida, bacdamaa uu yiri ay iyaga wada heshiin waayen, waxa uuna farta ku go’day in mar waliba ay u taagan yihiin sida amuuraha Somalia looga wadatashan lahaa.

”Haddii ay jiraan maamulo wax ka tabanaaya Dowlada wey u furan tahay inay soo bandhigaan waxa ay naga tabanayaan, waxaase nasiib darro ah in marka qodobo leysku waafaqay laga soo saaro shirka hadana ay dhacdo in dhaliil loo jeediyo Dowladda”

Xassan Sheekh waxa uu cod dheer ku sheegay in Maamulada dalka looga baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed ay u diir-naxaan ee iminka kasii bogsanaaya boogihii dagaalada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa cadeeyay inuu qabo rajo aad u wanaagsan, waxa uuna ku baaqay in shirka wixii kasoo baxa la taageero.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News