Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wada-tashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.
Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xaalada guud ee dalka, kor u qaadidda wacyi-gelinta bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ka hadleen doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada. Waxa uuna xusay muhiimadda ay leedahay faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.
Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud qaabilaadda wanaagsan, ee uu ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka.
Sidoo kale, Sheekh Cabdirashiid ayaa wuxuu ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.
Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, iyadoo uu galabt ku qabtay caasimadda muxaadiro kulmisay kumanaan kamid ah bulshada reer Muqdisho.











