Xasan oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu ra’iisul wasaare u magacaabo haweeney

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda University of Calgary ee dalka Canada ayaa shaaciyey in madaxweyne Xasan Sheekh laga yaabo inuu ra’iisul wasaare u magacaabo haweeney. 

Xuseen Warsame, oo xubin ka ahaa guddigii dhaqaalaha qaranka ee 2018 uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu jiro war noocaas ah oo aad la iskula dhex-marayo. 

Waxa uu sheegay in haweeneydaas ay tahay qof dhaqaalyahan, balse uu jiro cadaadis xooggan oo ay madaxweynaha saarayaan xubno ku dhow oo doonaya in ra’iisul wasaaraha laga dhigo rag.  

Xuseen Warsame ayaa shaaca ka qaaday in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeyn karo arrintan ay ka dhigi doonto inuu buugga taariikhda Soomaaliya ku galo inuu yahay aragti yahan isbeddel doon. 

Caasimada Online ma hayso wax xog ah oo ku saabsan in Xasan Sheekh uu haweeney u wado ra’iisul wasaaraha. 

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud ma ahan madaxweyne ka cabsada inuu isbeddelo taariikhi ah Soomaaliya. Bishii November 2012, ra’iisul wasaare Saacid ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u magacaabay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey madaxweyne Xasan Sheekh. 

Xuseen Warsame, oo qaar ka mid ah dadka ku xiran boggiisa twitter-ka oo rumeysan la’ xogta uu shaaciyey ay su’aalo ku celiyeen, ayaa ku jawaabay “aad ayey dhab igaga tahay. Waxaa jira suurta-ganimo aad u wanaagsan oo ay arrintan ku dhici karto. 

Mar la weydiiyey in xilligan ay adag tahay in Xasan Sheekh uu gabar u magacaabo ra’iisul wasaare cadaadiska saaran darteed, wuxuu Xuseen Warsame ku jawaabay “way adagtahay. Waxaa se ay u baahan tahay geesinino iyo indheer-garadnimo. Madaxweyne Xasan na, labadaba waan ku tuhmayaa.”

Haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare u magacaabo dumar waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo ay sidaas dhacdo.

Soomaaliya ayaa dhowaan dhigtay taariikh cusub, markii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya loo doortay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.