XASAN oo qoraal kasoo saaray geerida Prof Tuuryare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Waxa uu tilmaamay in marxuumku uu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer Qaanuunka Caalamiga, isagoo ummadda Soomaaliyeed si mutatawacnimo iyo hufnaan leh ugu soo adeegay aqoontiisa iyo khibraddisa sharci.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay kaalintii Prof Tuuryare AUN kobcinta aqoonta, dhisidda garaadka da’yarta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee nidaamka dowladnimada casriga ah.

Waxa uu Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.