Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Jabuuti ayaa lagu wadaa in imaanshiyihiisa Muqdisho kadib uu safar degdeg ah ku gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan.
Socdaalka uu Xassan Sheekh u qorsheynaayo inuu ku gaaro Magaalada Beledweyne, ayaa waxa uu daba socdaa socdaalkiisii hore ee uu kusoo fashilmay, waxa uuna kulan guud la qaadan doona Odayaasha Beesha Xawaadle, halka uu safarkii hore kala kulmay kaliya Ugaaska Beesha Xawaadle.
Madaxweyne Xassan oo aan socdaalkiisii hore fursad u heysan lawada kulanka Beesha Xawaadle ayaa waxaa socdaalka hadda soo socda uu halkaasi ku sugnaan doonaa muddo afar maalin ah sida aan xogta ku helnay.
Madaxweyne Xassan ayaa iminka dhextaagan fashil ku aadan hirgalinta qorshihiisa ku aadan maamulka loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhex, waxaana arrintaasi hortaagan Beesha Xawaadle.
Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa wali muujinaaya shaki ah in kulanka soo socda uu kusoo dhamaado guul, waxa ayna qabaan in Xassan Sheekh aysan fahmi karin ilaa iyo hadda sida uu wax u wado.
Ma cadda qorshooyinka Xassan Sheekh uu la damacsan yahay Odayaasha Beesha Xawaadle oo dhawaan ay wada kulmi doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]