Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda in mowqifkiisii adkaa ee dastuurka uu ka soo dabcay, iyadoo war-saxaafadeedkii gogosha ka soo baxay lagu xusay in wadahadal siyaasadeed lagu xaliyo muranka ka dhashay 4-tii cutub ee la ansixiyey iyo cutubyada haray, isla markaana loo maro habraaca uu dastuurku tilmaamayo.
War-murtiyeedku wuxuu ku tilmaamay dastuurka inuu yahay “dukumenti nool” oo mar walba wax-ka-beddel lagu sameyn karo.
Sidoo kale, Gogoshu waxay adkaysay in dhamaystirka dastuurku yahay waajib qaran iyo mudnaan sare leh, iyadoo sidoo kale la xusay in afarta cutub ee horey u ansixiyay Baarlamaanka Federaalka ay yihiin qayb ka mid ah dastuurka.
Waxaa la soo jeediyay in wixii aragti ah ee siyaasiyiintu ka qabaan cutubyadaas iyo kuwa harsanba lagu dhameeyo wadahadal siyaasadeed oo loo maro habraaca uu dastuurku tilmaamayo.
War-murtiyeedkii galabta laga soo saaray dhammaadka Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh horay u iclaamiyay, balse aanay Mucaaradka ka soo qeyb galin ayaa diiradda saaray laba arrimood oo muhiim ah, sida dhamaystirka dastuurka, dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka.
Dhinaca doorashooyinka, war-murtiyeedku wuxuu si cad u diiday in dib loogu laabto nooc kasta oo doorasho dadban ah. Waxaa si gaar ah loogu baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowladaha hoose, si lamid ah deegaanada Puntland iyo Somaliland.
Gabagabadii, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin sii socoshada wadahadallada ku saabsan doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo heer federaal, si loo gaaro heshiis loo dhan yahay, loona ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
War-murtiyeedku wuxuu sidoo kale dhiirrigeliyay in gogoshu furnaato, isla markaana lagu casuumo dhammaan siyaasiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed.
Waxaa la xusay in geeddi-socodka siyaasadeed uu noqdo mid Soomaaliyeed oo ka madax-banaan faragelin dibadeed, waxaa xusid mudan in doorka beesha caalamka ee gogoshaas aan lagu xusin war-murtiyeedka, laguna casuumin.