25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

XASAN: Qaar ka mid ah wasiiradii hore ayaan kusoo darayaa xukumada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Wasiirada la dhacay Xukuumadii kalsoonida weysay ay qaarkood ka dhex muuqan doonaan Xukuumada Cusub.

Xasan Sheikh waxa uu sheegay inay jiraan Wasiiro badan oo howlo badan qabtay inta ay xilka hayeen waxa uuna farta ku goday in qaarkood ay soo laaban doonaan loona baahan yahay shaqadooda.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay soo laabashada Wasiirada ayaa waxa uu yiri “Waa loo baahan yahay inbadan oo ka tirsan gabdhaha iyo raga wasiirada inay sii wadaan shaqadooda. qofka waxaa lagu qiimeynayaa waxqabadkiisa, dadaalka iyo juhdiga uu geystay qaarkoodna dib ayay usoo laaban doonan”

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin badan ay horay uga digeen in dib loogu soo daro Xukuumada Cusub Xubnihii la dhacay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh axmed.

Dhanka kale, Wasiiro hore iyo xildhibaano ka tirsan BF ayaa dadaal adag ugu jira sida ay uga dhexmuuqan lahaayen Xukuumada cusub ee maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News