Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa daaha ka rogay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaale adag ku bixiyay abaabulka Mooshinada ka dhanka ah Ra’isul wasaare C/Weli Sheekh Axmed.
Xildhibaan Cabdi Barre waxa uu tilmaamay in Mooshinka lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha laga soo abaabulay Madaxtooyada Somalia, wuxuuna cadeeyay in Mooshinka uusan aheyn mid ka yimid xildhibaanada Baarlamaanka.
Sidoo kale, Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxtooyada ay bixineyso lacago Laaluush ah si meesha looga saaro Xukuumada R/W C/Weli Sheekh, isagoona taasi ku micneeyay mid lagu bahdilaayo sumcadda golaha shacabka.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud in uu ilaaliyo Sharciga dalka, maadaama uu yahay Mas’uulkii Dalka ugu sareeyay.
Cabdi Barre ayaa waxa uu hadalkiisu yimid xili uu jiro Khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisulwasaare C/weli.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]