Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa madaxweynaha baarlamaanka Soomaaliya doorteen, asagaana la saarey mas,uuliyadda iyo hogaaminta dalka waxaana waqtigiisa ka harey mudo ka yar 20 bilood waxaana horyaal howlo culus oo loo igmadey oo ay ugu weyntahay in dalku gaarsiiyo doorasho rasmi ah 2016-ka iyo in dastuurka qabyada ahin la dhameystiro, sidoo kale maamul gobaleedyada ka mid noqon doonaan dowlada federaalka ee dhismi doonto 2016 si ku meel-gaar ah loo sii dhiso. Howlahaas iyo howla kale oo culus ayaa horyaal oo soo celinta amniga ay kamid tahay dib u qaabeynta hay,adaha garsoorka ay kamid tahay iyo la dagaalanka masuqmaasuqa.
Hadaba si howlahaas loo gaaro madaxweyne Xasan waxaa qasab ku ah in uu helo ra,iise wasaare uu la shaqeyn karo iyo gole wasiiro oo uu ku kalsoonyahay si howlaha horyaal loo dhameystiro, waana arin caadi ah oo qof walba oo xilkas ah sameyn lahaa. Dowladnimadu ma ah fowdo iyo isbarbaryaac laakiin waa nidaam ku dhisan kala danbeyn, kalsooni iyo isla xisaabtan.
Madaxweyne Xasan haddii uu ku adkeystey in ay la shaqeeyaan rag uu ku kalsoonyahay si howlaha horyaal ee ad adag ugu sal gaaro waa in fursad la siiyaa lagana war sugaa. Dacaayada raqiiska ahna waa in laga daayaa.
Sidee macquul ku tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu u yeelo gole wasiir oo xubnaha ku jira uusan aqoon u lahyn kartidooda iyo dadnimadooda, dalkana uu u hogaamiyo mas,uuliyadiisana ka soo baxo ?. Macquul ma aha, waa arintii uu fahmi waayey ra,iise wasaarihii hore.
Dowladu waa in madaxweyne, ra,iise wasaare , wasiir ilaa karaani wada shaqeyn karaan sidaas ayaa dowladnimadii ku soo noqon kartaa.
Faarax Cabduqaadir, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdulahi Maxamed Sanbalooshe waa garbaha madaxweynaha waa in lagu tixgeliyaa. Talada dalka iyo hogaaminteedana loo daayaa madaxweyne Xasan Sheekh. Dacaayadaha raqiiskana laga haraa.
Cabdiqaasim Salaad waa la caayi jirey xilligii uu madaxweynaha ahaa sidoo kale Cabdulaahi Yuusuf sidoo kale Sheekh Shariif haddana Xasan Sheekh sidii madaxweynayaashii ka horeeyey ayaa loogu taaganyahay, war nin boqolkiiba boqol saxan lama heli doonee kaan haysano aan jafjafano oo fursad aan siino . Dowladnimadu ma ha wax fudud. Waxaana hore loo yiri ” Habar fadhido lagdin la fudud”. Xasan Culusow waa nin culus ee cayda ka daaya.
W/Q: Ismaaciil Jaamac
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid