Xasan Sh iyo Uhuro Kenyatta oo kulan albaabada ay u xiran yahiin yeeshay

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa habeenkii xaley kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Xasan Sheekh Maxammuud iyo Uhuro Kenyatta.

Kulanka labada nin oo ahaa mid albaabada uu u xiran yahay ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah sidda ay baahisay warbaahinta Kenya ee KBC.

Waxyaabaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada waddan iyo muran waayahan dambe ka aloosnaa ee ku aadanaa arrimaha badda.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha kulanka ka soo baxay iyo in la isku afgartay qoddobada looga hadlay.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ku soo beegmay iyadoo dowladda Soomaaliya ay toddobaadkii hore u gudbiyay maxkamadda ICG dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xiriirya xuduud badeedda labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeesay in ay ku soo xad-gudubtay biyaha Soomaaliya isla markaana ay qandaraas ku siiyay siddii ay shidaal uga baari lahaayeen shirkado laga lee yahay dalka Faransiiska.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com