Gen. BASHIIR GOOBE oo qoray qormo aan caadi aheyn (Muxuu uga hadlay?)

ISHII BUGTAAY KU BIKAACSO:- 31 August, 2014, goor barqo ah, waxa soo hammmiyey Koox ka koobneyd ilaa 9 naftood halligayaal ah, inay ku dayaan (wareemaan), Xarunta Gobolka Banaadir ee Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaasoo ay manaxayaashii soo maquuniyey wiilashii dhallinyarada ahaa ee shartoodii ayaga Ilaahay ku celiyey, ay ka yeelan kareen dhowr ujeeddo, sida:-

1. In ay jabka iyo guuldarrada kaga socota Gobollada dalka”HOWLGALKA BADWEYNTA HINDIYA” ee Geesiyada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Amisom ay uga xoreynayaan shacabka ay go’doomiyeen, ugu been sheegaan, fariin xodxodosho ahna ugu diraan, kuwii ay qandaraaska uga soo qaateen, inuu dalkayagu waligiis dagin, ummaddayaduna fursad u helin, xasilooni, horumar, midnimo iyo barwaaqo, inay wali xoog leeyihiin, ajendayaasha loo soo yeeriyeyna Soomaaliya ka fulin karaan.

2. In ay ku marin habaabiyaan, uguna caga jugleeyaan dhallinyarada ay khaldeen, qafaasheen ama sandareertada siiyaan inay awood leeyihiin, waxna leyn karaan ama argagixin karaan.

3. In ay quluubta iyo maskaxda in badan oo qeybaha bulshadeenna ka mid ah ee Nabadda, horumarka, diintooda, dalkooda iyo dadkooda jecel ku cabsi galiyaan, sida, ganacsatada, culumaamu’ diinka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, madaxda dhaqameedka, saxaafadda, dhallinyarada , haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada, inay wali wax gumadi karaan(Waa sida ay la tahaye), si ay u baadaan, u aamusiyaan, ama ugu cabsi galiyaan, inay afkaartooda cabbiraan, ummaddana u sheegaan dhagar qabayaashan inuu gabalkoodu dhacay.

4. Inay caalamka, gobolka iyo deriskaba ku cabsi galiyaan, inay wali awood gaadmo iyo is-halligaad leeyihiin, iwm.

Haddaba, waxa habboon in aynu si dhow u eegno arrimaha soo socda:

A) Muxuu yahay casharka ay qaateen horjoogayaasha sharwadayaashu?

B) Maxaa la gudboon qeybaha kala duwan ee bulshadeenna?

C) Maxay falcelintan xirfadeed iyo geesinimo ee NISA u ifineysaa caalamka ina taageera? Haddaan si kooban u cabbiro qiyaastayda:

Casharka la siiyey harjoogayaasha sharwadayaasha iyo kuwa qandaraaska soo siiyey, wuxuu yahay, dalkanu inuu leeyahay, wiilal iyo gabdho, geesiyaal ah, qalab, tababar iyo xirfad ay ummaddooda ku difaaci karaan leh, diyaarna u ah inay cadow kasta oo soo tijaabiya, siin karaan casharo lama ilaawaan ah.

Qeybaha kala duwan ee bulshadeenna, waxa la gudboon, inay u midoobaan, iska caabinta cadowgan naxariislaawaha ah, dhallinteennii sidaas dabka ugu hurinaya, jiif iyo jog, horumar iyo xasilooni, aqoon iyo iftiin intaba inoo diiday, In dhiirri galin af iyo addin, taakuleyn dhan kasta ah iyo hiil iyo hooba lala garab istaago wiilasheenna iyo gabdhaheenna safka hore u soo istaagay, inay codowgan u babac dhigaan.

Culumaa’u diinku ha fadwoodaan, Siyaasiyiintu ha taageeraan, abwaanadu murti iyo xigmad xamaasaddooda kicisa, tan cadowgana disha ha curiyaan, ganacsatadu ha baritaaraan, madax dhaqameedku duco iyo dumid ha u istaagaan, haweenku sidoodii kaalin sharafeedkoodii ha qaataan, dhallintu dib ha isugu noqdaan oo ha soo buuxiyaan safafka is xoreynta iyo ayatiinkooda dhismihiisa, hana ka waantoobaan dhalanteedka, khiyaanada iyo beer laxowsiga aan diin, dhaqan iyo ilbaxnimotoona wax xiriir ah la laheyn ee horjoogayaasha sharka iyo dib u dhaca.

Si gaar ah, saxaafaddu ha qaadato doorkeeda shariifka ah, wixii ismaandhaaf ah ee jirana ha ka hormariso, danta caamka ah ee ummadda oo dhan ka dhexeysa, qalinka iyo codbaahiyahana ha u qaataan, inay doorkooda taariikhiga ah cayaaraan.

Bulshada Caalamka ee ina taageerta waxay falcelintan xirfadeed iyo geesinimo u ifineysaa in aan nahay dad wax qabsan kara, is difaaci Kara, nabaddooda gacmahooda ku keensan kara, cid kasta uga habboon ugana fara dhuudhuuban inay kuwooda sharwadayaasha ah isaga filan yihiin, haddii taageerada ay u baahan yihiin helaan, loona quuro in yar oo ka mid ah kharashaadka faraha badan ee ku baxaya ciidamada dalalka kale oo noola jooga inay naga gacan siiyaan la dagaallanka codowgayaga magacyada iyo ujeedooyinka badan.

Taas macnaheedu ma aha inaan ka abaal dhaceyno, laakiin, xaqiiqada ayaa ah, inaan is difaacayaga cid kasta uga habboon nahay. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “BIYO SACABADAADA AYAA LOOGA DHARGAA”!

Gagabagabadii, waxaan qormadeydan kooban ku soo ebyayaa, inaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo lab ah u diro hoggaanka Amniga Qaranka iyo geeshiyaasha Ciidamada Qaranka Soomaaiyeed, gaar ahaan, kuwa Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, kuwaasoo cashar lama ilaawaan ah siiyey cadowgii, sidii horeba u dhici jirtay, muujiyeyna inuu qarankoodu ku faani karo! “MEEL LIBAAX SOO GALAY LO’ MA JOOGEYSO!

Dhinaca kale, waxaan Ummad ahaan, qaran ahaanba, waxa aan ku farxeyno ama aha, in wiilashayada la soo maxkax meyro, tii ka dhacday Godka Jilicoow iyo is dilka kale ee howlgalka “BADWEYNTA HINDIYA” ka socda waxa ku gumaadmayaa waa caruurtii iyo mustaqbalkii dalkan; waa ‘KAA DHIMAY OO KUGU DHIMAY”, waxaan macno ii sameeneysa, inaan u wada guntanno, sidii wiilasheenna aan ugala soo noqon laheyn gacanta cadowga ee ay galeen!

Waxaan ugu dambeystii bogaadinayaa, inta ka qeyb qaadata, dhismaha, tababaridda, taakuleynta iyo dhiirigalinta geesiyaashan, waxaana ku leeyahay, kuma hungoobeysaan wax tarkiinna!

SOOMAALIYA SOOMAALIBAA LEH!

Qalinkii: Hon. Gen. Bashiir Mohamed Jama

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid