SHIR lagu taageerayay MAAMULKA loo dhisayo G/dhexe oo ka dhacay Munich

Munich: waxaa taariikhdu markay ahayd 30 – 31.08.14 Magaalada Munich ee caasumadda gobolka Bayern (Bavaria) ee Jarmalka lagu qabtay shir weyn oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadaha beelaha kaladuwan ee degaankoodu yahay gobolada dhexe soomaaliya ee ku nool Bayern (Bavaria).

Shirkaas labada maalmood socday, waxaa si buuxdo loogu soo dhaweeyay, looguna taageeray Ismaamulka dowlad gobaleedka ee gobolada dhexe soomaaliya laga sammeynayo.

Waxaa madashii la isugu yimid ka hadlay oo talo iyo tusaalooyin lagu taageerayo arintaasi ka soo jeediyay afhayeennadii jaaliyadaha soo wakiisheen. Afhayeenda iyaga oo hadalkoodii sii wato waxay mahad gaar ah u celiyeen dowladda Federalka iyo bulshada caalamka ee arintaas ansixiyay. Waxaa kale oo ay mahad weyn u celiyeen wakiiladii ka kala socday maamuladii aad qaaliga u ahaa ee horay u soo jiray oo maanta gartay in loo baahan yahay in la´isu tanaazulo si loo gaar hadaf lagu mideysan yahay ee lagu soo dhiso dowlad goboleed.

Maamuladaas shirka wakiilada u fadhiyeen waxa ay ahaayeen: – Galmudug, Xibin iyo xeeb, Xaadheer State, Mareeg State, Galgaduud, Maamulka Ceelbuur, Maamulka Caabudwaaq iyo Maamulka Galdogob.

Dr. Maxamed Xaashi Cossoble, Professor Mustafa Cabdulle Warsame (Qarni), Injinyeer Xussein Cali Siyaad, Injinyeer Maxamed Cali (Garaare) iyo Sheikh Cabdullaahi Xassan Warsame oo goobtaas khudbado tayo leh ka jeediyay waxay si gaar ah mahad ugu celinayaan Guddiga Farsamada ee arintaas u xilsaaran iyo raggii maskaxdooda, muruqooda iyo maalkooda u huray sida maanta halka aan joogno aan ku soo gaarnay.

Dr. Moxamed Xaashi Cossoble