Xog: Ujeedka shir ka furmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shir hordhac u ah shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo bishan ka furmaya isla magaaladaas.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiyaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka Cabdi Balaaye, kaasoona sheegay in shirkan uu hordhac u yahay shirweynaha soo socda, wuxuuna intaas ku daray in ay ka qeybgalayaan dhammaan odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Iftiin Xasan Baasto oo isna sheegay in shirkan uu muhiim u yahay shirka soo socda, isagoona intaas ku daray in ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka socda maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiilo ka socda IGAD.

Ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay in ay magaalada Kismaayo ku soo celiso Korneel Barre Aadan Shire iyo ciidamo uu watay kuwaaoso muddo sanand ka badan ku sugnaa meel dibedda ka ah Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com

Jawaari & Madoobe Nuunow oo kulan leh

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas ay maanta kulan ku lee yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madoobe Nuunow Maxamed oo sheegta in uu yahay hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulan kale oo Jawaari uu la qaatay mas’uuliyiinta maamulka seddaxda gobal iyo odayaal taageersan Madoobe Nuunow iyo maamulka lixda gobal.

Jawaari ayaa u sheegay odayaasha la safan Madoobe Nuunow in ay ka soo laabtaan fikirka ay aaminsan yihiin ee ah maamulka la dhaho lix gobal, wuxuuna ka codsaday in ay qaataan qorshaha ay dowladda damacsan tahay oo ah in la dhiso maamul seddax gobal ay ku mideesan yihiin.

Xog badan lagama hayo kulanka Jawaari iyo Madoobe Nuunow Maxamed balse waxaa la aaminsan yahay in uu la xiriiro siddii Madoobe Nuunow loogu qancin lahaa in uu ka tanaasulo maamulka lixda gobal isla markaana uu qeyb ka noqdo maamulka seddaxda gobal ee dowladda ay taageersan tahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sannad ka hor wuxuu magaalada Baydhabo ka sheegay in uu taageersan yahay maamulka lixda gobal, waana sababta keentay in loo diro Baydhabo sida ay lee yihiin ilo xog ogaal ah.

Faah-faahin kala soco Boggeenka Caasimada Online