Mustaqbalka siyaasadeed ee Hiiraale oo war aan la fileyn uu kasoo yeeary

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar badan oo la isku haleyn karo kuwaasoo muujinaya in Korneel Barre Aadan Shire uu isaga baxay siyaasadda isagoona wixii hadda ka dambeeya caafimaad u aadaya dalka dibadiisa.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in Barre Hiiraale oo hadda Muqdisho ku sugan uu siyaasadda ka baxay isla markaana aanu ka qeybgali doonin shirka dib u heshiisiinta ee 16-ka bishan ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Maxaa lagu qanciyay Barre?

Barre Hiiraale oo horey u soo noqday wasiirka gaashandhigga Soomaaliya isla markaana in muddo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyo awood ballaaran ku lahaa Soomaaliya, ayaa waxaa la sheegayaa in la qanciyay oo dowladda ay siisay lacag si uu uga fadhiisto siyaasadda maadama uu howlgab noqday.

Heshiiskii Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo
Heshiiskii Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo

“Barre Hiiraale waa qof da’ ah, waana qof xanuunsan oo u baahan in dibedda loogu qaado caafimaad” sidaas waxaa noo sheegay sarkaal la isku haleen karo.

Maxaa lagu qancin doonaa beesha uu ka soo jeedo Barre?

Waa su’aal inta badan ay is weydiinayaan dadka arrimahan sida gaarka ula socda, balse Barre Hiiraale waxaa shirka ka dhacaya Kismaayo u matalaya saraakiil ka soo jeeda beeshiisa.

Sidoo kale maamulka KMG ah ee Jubba waxaa Barre beeshiisa laga siin doona mid ka mid ah xilalka ugu waaweyn sidda madaxweyne ku xigeen oo ay haddaba lee yihiin.

Haddii warkan uu xaqiiqo noqdo, waa guul u soo hoyotay Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa aaminsanaa in uu Barre Hiiraale uu ku ahaa qodax ku taagan isla markaana qalqal galin kara sii socoshada maamulkiisa.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay heshiiska ay gaareyn Barre Hiiraale iyo maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com