Xasan Sheekh: Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Erdogan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay dood ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista SETA ee dalka Turkiga ayaa wuxuu uga hadlay sababaha horseedka u in kor u kaco xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir qarniyo soo jireen ah, oo ku saleysan ixtiraam iyo iskaashi, kaasi oo horseeday booqashadii taariikhiga aheyd ee sanadkii 2011 bishii Agosto uu Muqdisho ku yimid Recep Tayyib Erdogan.

Waxaa xusid mudan in xiligaas uu Erdogan booqashada ku yimid Muqdisho ay ka jirtay xaalad adag oo bani’aadanimo ah, ayada oo caasimada dalku aheyd meel ka caagan booqashada Madaxda, islamarkaana ah “khad cas ah oo aan cidna tegin”.

“Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Madaxweyne Erdogan iyo qoyskiisa, golahiisa wasiirrada iyo xildhibaanno socod ku maraya waddooyinka Muqdisho ka dibna booqasho iyo hoy ku jooga xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

“Waxay tani ahayd wax aanay cidina filaynin inay suurta-gal tahay, balse waxay ahayd xaqiiqo dhacday. Marka falkan la eego waxay cadeyneysaa sababta uu xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga maanta u xooggan yahay, xiriirkana maalinba maalinta ka dambeysa ayaa sii kordhaya.”

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir wanaagsan oo aad u wayn, kaasi oo ku qotoma dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha militariga, ayada oo dowladda Ankara gacan weyn ka geysatay tayeynta ciidamadeena.

Labada dal ayaa sidoo kale u dabaal daga xiriirkooda sii xoogeysanaya oo ka billowday booqashadii taariikhiga eheyd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho, oo ay xiligaas dagaalladu aafeeyeen.

Si loo xuso taariikhdan, Ankara iyo Muqdisho waxay isla mee dhigeen inay sannad walba u dabaal-degi doonaan maalinta “Somali-Turkey” oo ku beegan 19-ka bisha Ogoosto ee sanad kasta, oo ah maalintii ay diyaaradaha Turkigu ay soo caga dhigteen Aadan Cade International Airport.