“Madaxweyne XASAN kama yeeleyno in uu hal BEEL maamul u dhiso dagaal ayaan ka xignaa”

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo weli Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay ka taagan tahay Siyaasado is diidan oo u dhexeeya Odayaasha iyo Siyaasiyiinta labada dhinac, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Mahdi Cabdulle Naasir oo kamid ah Odayaasha Cadaado.

Mahdi Cabdulle Naasir, waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan uu doonaayo in Maamulka G/Dhexe loo madaxbaneeyo hal beel, waxa uuna meesha ka saaray in Xassan uu beelaha kale usoo bandhigo Hanaanka Maamulka loogu sameynaayo.

Waxa uu Tilmaamay in Cadaado iyo Dhuusamareeb ay ku noolyihiin Beelo kale oo aragtidooda la duudsatay, balse Madaxweyne Xassan uu laaday cadaaladii iyo aragtidii ay ka qabeen Maamulka.

”Waxaa noo muuqaneyso in Xasan uu lasoo baxay Siyaasad cad cad, marba hadii Maamulka cusub aan aragti laga weydin reeraha kale ee ku nool Cadaado iyo Dhuusamareeb, hadii uu maamulku noqdo mid u gaar ah hal beel taasi dagaal ayan ka xignaa”

Sidoo kale, Mahdi Cabdulle Naasir, waxa uu carabka ku dhuftay in Siyaasado cusub ay ka kala socdaan Cadaado iyo Dhuusamareeb, islamarkaana Hal beel ay doonayaan in Seddex jiho ay wax ku qeybsadaan, halka dhinacyada kalane ay isha ka daawanayaan.

Dhanka kale, mar uu ka hadlaayay dhanka Khilaafka ayaa waxa uu sheegay in Muranka maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud uu sii xoogeysanayo, waxa uuna sheegay inay jiraan murano hor leh.

Waxa uu cadeeyay in markii hore la’isku haystay halka lagu qabanayo shirka, hase ahaatee markii taasi la’isla fahmay, ay hadana dood ka timid halka ay caasimada noqoneyso, maadaama Madaxweynaha uu sheegay in caasimadda Dhuusamareeb ay tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com