Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.
Xasan Sheekh ayaa Isimida ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.
Dhankooda, oddayaasha dhaqanka ee uu la kulmay madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha maamulka Waqooyi Bari.
Sidoo kale waxay muujiyeen dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, sida lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.
Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.






