25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xasan Sheekh oo cadeeyey go’aankiisa madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay in Dowladiisu aysan wax muran ah ka qabin qodobadii laga soo saaray Shirka Madasha Hoggaanka Qaran ee Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu tilmaamay in wixii muran ahaa ee bilihii lasoo dhaafay ka taagnaa Shirka uu ahaa keliya mid lagu saxaayay khaladaadkii ka dhashay burburka Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Dowladiisu ay khaldan tahay.

Waxa uu Xassan Sheekh sheegay in dhammaan diidmooyinkii kasoo baxaayay DFS iyo kuwii kasoo yeeraayay maamulada dalka ay ahaayen kuwo salka ku haya qaabka Somalia looga saari lahaa dhibta Siyaasadeed ee iminka ka taagan.

Waxa uu farta ku goday in maamulada dalka aysan dagaal kula jirin DF balse ay dhinacooda ka saxayaan Siyaasada oo uu sheegay in loo wada siman yahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xassan Sheekh in Dowladiisu ay bilaabeyso xiligaani wixii ka danbeeya dadaalka doorashada lagu hirgalin lahaa waxa uuna carab dhabay in dib-u-dhaca uu yahay mid ka dhashay Khilaafyadii horay u taagnaa.

Docda kale, waxa uu ballanqaaday inuu kasoo dhalaali doono dhammaan wixii lagu heshiiyay isaga oo wacad ku maray in si sax ah loogu shaqeyn doono Qodobadii lagu heshiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News