Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhaliisha ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah hawada u marinayaan Dowladiisa.
Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay inuu soo dhaweynaayo dhaliisha ay usoo jeedinayaan dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasadiisa.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuu tixgalinaayo xoriyada haddalka iyo dimuquraadiyada waxa uuna tilmaamay in Siyaasiyiinta kasoo horjeeda looga baahanyahay inay la imaadan Siyaasad ka duwan tan ay ku shaqeyso Dowladiisa.
“Tixgalin gaara ayaa siineynaa dhinacyada kasoo horjeeda Dowlada waa inay la imaadan feker waxgal u ah umadda Soomaaliyeed”
Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale tilmaamay in qorshaha Dowladiisa aysan ku jirin inay caburiyaan Siyaasiyiinta dhaliilsan Dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday.
Haddalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasadiisa.
Hoos ka dhageyso codka Xasan Sheekh
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

