Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula yeeshay Wakiilka KMG ah ee howl-galka Midowga Afrika (AUSSOM), Adebayo Kareem ayaa caddeeyay in marnaba la aqbali karin xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida dalka.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaalanka kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee AUSSOM, isagoo muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho howlgalka Midowga Afrika. Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in iskaashi dhab ah oo lala yeesho AUSSOM uu yahay furaha guusha dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Intii uu socday kulanka, labada masuul waxay si qoto dheer uga wada-hadleen xaaladda amniga dalka, gaar ahaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlgalka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo taageerada AUSSOM si amniga dalka loo adkeeyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Adebayo Kareem waxay si isku mid ah u muujiyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, isfaham buuxa iyo is-ixtiraam ku saleysan xiriirka labada dhinac.
Dhankiisa, Wakiilka AUSSOM, Adebayo Kareem, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed sida diirran ee loogu soo dhaweeyay dalka. Waxa uu ballan-qaaday in AUSSOM ay sii wadi doonto garab istaagga dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay in ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalka ka eriday wakiilkii hore ee AUSSOM, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax-bannaanida Soomaaliya. Tallaabadaas ayaa u muuqatay mid ay dowladda uga dan lahayd in ay muujiso in wada-shaqeynta caalamiga ah ay ku saleysan tahay is-ixtiraam iyo mas’uuliyad wadaag.
Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM ayaa weli ah mid muhiim u ah xasilinta dalka, xilli uu marxalad xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab.