23.6 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Xasan Sheekh oo ka digay arrin xasaasi ah oo dhici karta kadib tallaabadii Israel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland uu fursad dahabi ah siin karo kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ee dagaalka ka wadadda Soomaaliya. 

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo wax-ku-ool ah ka gaareyso dagaalka ay kula jirto argagixisada, balse waxa uu ka digay in xiisadaha gobolka ee hareeyay Somaliland ay caqabad ku noqon karaan arrintaas.

Wareysi uu Sabtidii siiyay Al Arabiya English, ayuu Madaxweyne Xasan ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay “ku gacan-sarreyso dagaalka argagixisada,” isagoo daliishanaya culeyska milatari ee joogtada ah iyo iskaashiga xooggan ee lagula jiro Al-Shabaab, kooxdaas oo xiriir la leh Al-Qaacida, muddo ku dhow 20 sano ka badanna dalka ka wadday dagaallo hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynuhu wuxuu si adag uga digay in joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland ama saameyn ay ku sameyso, ay noqon karto mid ay kooxdu uga faa’iideysato dano gurracan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dhacdooyinkan u adeegsan karto dacaayad ay ku qorato dagaalyahanno cusub, kuna hesho dhaqaale, maadaama ay ku andacoodaan inay kasoo horjeedaan faragelinta shisheeye.

“Al-Shabaab waxay iska dhigaan kuwo kasoo horjeeda shisheeyaha,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo intaas ku daray in kooxdu ay ku lug-lahaanshaha Israa’iil u adeegsan doonto marmarsiyo ay ku xalaaleysato weerarro cusub iyo abaabul dadweyne.

Inkastoo uu qiray jiritaanka khatartaas, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeystay in ciidamada amniga ee Soomaaliya ay maanta marayaan heerkii ugu wanaagsanaa ee awoodda iyo u-diyaar-garowga ka hortagga khataraha noocaas ah.

Somaliland ayaa ku dhawaaqay madax-bannaani ka dhan ah Soomaaliya 18-kii May, 1991-kii, kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, balse ma uusan helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil oo si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland 26-kii Diseembar, 2025.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera in Somaliland ay aqbashay shuruudo ay ka mid yihiin dib-u-dejinta Falastiiniyiinta, dhismaha saldhig milateri oo ku yaalla Gacanka Cadan, iyo ku biirista heshiisyada Abraham Accords

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horraantii toddobaadkan xaqiijiyay in Somaliland ay ku biiri doonto heshiisyada Abraham Accords, isagoo sheegay in Israa’iil ay dooneyso inay taageerto “dal dimuqraadi ah oo dhexdhexaad ah” oo diyaar u ah ka qaybgalka heshiiska.

- Advertisement -

Read more

Local News