Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kulamo is mari’waa ah kula leh Odayaasha Beesha Xawaadle oo ka gadoodsan qaabka ay Wasaarada arrimaha Gudaha u wado shirka hakatka galay ee ka socda magaalada Jowhar.
Madaxweyne Xassan ayaa laba kulan oo kala duwan la qaatay Odayaasha Beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadlay in Beesha looga baahan yahya inaysan sabab u noqon Fashil ku yimaada Shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Odayaasha waxa ay Xassan Sheekh ku eedeeyen in uu u kala xaglinaayo Beelaha kala dega labada Gobol islamarkaana uu si cad ula saftay Beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe.
Odayaasha oo wajigooda ay ka muuqatay carro ayaa Madaxweyne Xassan ku wargaliyay inay ku adag tahay dib-ugu-laabashada Shirka Jowhar, waxa ayna xujo ka dhigeen in dib u habeyn lagu sameeyo Gudiyada Wasaarada arrimaha Gudaha uga wakiilka ah shirka, kuwaasi oo ay Odayaashu sheegen inay laqdabo iyo faquuq ku dhex hayaan madasha.
Sidoo kale, Odayaashu waxa ay ka biyo diiden inay qaatan tallooyinka uu usoo jeediyay Madaxweyne Xassan Sheekh ee ah inay ku laabtaan magaalada Jowhar, waxaana lasoo warinayaa in labada kulan ee uu Xassan Sheekh la qaatay Odayaasha Beesha kusoo dhamaaday Fashil.
Beelaha Gobolka Hiiraan ayaa si wadda jir ah u qaadacay ka qeyb-galka shirka magaalada Jowhar ee dhismaha maamulka labada gobol, iyaga oo inta badan fashilka shirka ku yimid dusha ka saaray Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisii ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

