Xasan Sheekh ‘oo ku gacan sayray’ casuumaddii Uhuru

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ka qayb-geli doonin shirka hogaamiyeyaasha dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD, kaasi oo maanta ka furmay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxweyne Xasan oo lagu waday inuu ka dego magaalada Nairobi ayaa weli booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Turkiga ee Ankara, halkaasi oo ay uga socdaan wada-hadalo uu la yeelanayo madaxda dalka Turkiga.

Xasan ayaa goor dambe ku wargeliyay Uhuru Kenyatta in uusan kasoo qeyb-gali doonin shirka IGAD, oo ay dowladda Kenya dooneysay in madaxweyne Xasan uu kasoo qeyb-galo shirkaas, sida uu qoray wargeyska Africa Intelligence oo soo xiganaya mas’uuliyiin Kenyaan ah.

Dowladda Kenya ayaa imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya u arkeysay fursad muhiim ah oo looga wada-xaajoon karo arrimo dhaqaale iyo ganacsi, oo ugu horeeyo sida la fahamsan yahay dib u furida qaadka.

Baaqashada shirka ee madaxweyne Xasan ayaa waxay siyaasiyiinta Kenyaanka ah ku tilmaameen halaag iyo rajo xumo ku yimid dib ufurida ganacsiga qaadka, oo ay xukuumadda Nairobi rejo badan ka qabtay tan iyo markii la doortay madaxweynaha.

“Shacabka Kenya waxay sugayeen madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaaraha midkood inuu shirka kasoo qeyb-galo, kadibna Soomaaliya lagala heshiiyo inay fasaxdo Qaadka Kenya oo ay ku tiirsanaayeen nolosha Malaayiin muwaadin Keenyaan ah, laakiinse rajadii dadku filayeen god dheer ayay kusii dhacday,” ayuu yir Sylvanus oo ah siyaasi Kenyaan ah.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay in madaxweynaha uu safarkiisa labaad ee kadib dib u doorashadiisa ku tagi doono magaalada Nairobi, maadama xiligaas ay soo gaartay casuumad rasmi ah oo ay u fidiyeen madaxda dalka Kenya.

Hase yeeshe waxa uu isbedel lama filaan ah ku yimid qorshaha safar ee madaxweyne Xasan oo xiligaan ku sugan dalka Turkiga, isaga oo ka cudur daartay aqbaalada casuumada iyo ka qeyb-galka shirka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli waxay heystaan fursad weyn oo ay uga gudbi karaan sooyaalka xiisado daba-dheeraaday oo saameeyey shucuubta labada wadan.

Labadaan dal ee dhacda Geeska Afrika, waxaa si weyn isugu milan danaha shacabkooda, waxayna faa’iido weyn ka heli karaan iskaashi iyo is-aaminaad dhex-marta, sida ay qabaan quburada ka faalloota arrimaha gobolka.

Inta badan xiisadihii dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya waxay salka ku hayeen kiiskii go’aanka caalamiga ah laga qaatay ee badda dhacda xuduuda labada dal, kaas oo hadda Kenya aysan u furneyn wado ay ku sii wado murankiisa.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya waxay si weyn isugu xumaadeen intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse madaxweynaha Kenya Uhuru ayaa Muqdisho uga soo qeyb-galay caleemo saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo muujineysa in Kenya ay diyaar u tahay wanaajinta xiriirkeeda Soomaaliya.