Madaxweyne Xasan Sheekh oo go’aan ka gaaray wada-hadal lala galo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha tilmaamay in ugu dambeynta dowladdu la xaajoon doonto kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ku xoogan gudaha Soomaaliya, si khilaafka lagu dhameeyo si nabdoon.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa kale oo uu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga, isaga oo tilmaamay inay dowladdu dooneyso inay hirgeliso dib-u-heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur mideysan iyo dhismaha hay’addo dowli ah.

Madaxweynaha ayaa hore u ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, ayada oo kooxdu hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo.