25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Xasan oo Madaxtooyada ku qaabilay madax sare oo ka socda QM + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete.

Booqashada Gatete ayaa qayb ka ah ka qeyb-galka rasmiga ah ee daah-furka Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Sare ee UNECA ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan UNECA.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey Claver taageerada ay hay’adda UNECA siiso Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah uu sal u yahay horumar waara.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu si qoto dheer uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu si gaar ah u xusay guulaha ay ka mid yihiin dhameystirka geeddi-socodka cafinta deynta, taas oo albaab muhiim ah u furtay koboca dhaqaalaha iyo maalgelinta caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay ku biirista rasmiga ah ee Soomaaliya ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo kor u qaadaysa fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo isdhexgal bulsho ee dalka. Wuxuu sheegay in tallaabadan ay Soomaaliya ka dhigeyso qayb firfircoon oo ka mid ah isbeddelada gobolka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda ay dadaal weyn ku bixisay kobcinta dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadeed. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in horumarradaas ay ka tarjumayaan dadaalka dowladda ee ku wajahan kobcinta hay’adaha dowliga ah iyo hufnaanta maamulka.

Ugu dambeyntiina, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo UNECA, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarineed ee qaranka, gaar ahaan kuwa la xiriira Hiigsiga Qarni-jirka 2060. Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in Soomaaliya ay sii wadayso waddada horumarka iyo xasilloonida.

- Advertisement -

Read more

Local News