24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

XASAN oo mar marsiiyo u sameeyay gabdhaha SOOMAALIDA ah ee loo dhoofinayo Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay sababaha keenay in DFS ay dumarka Soomaalida u dirto dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dadka Soomaalida keliya ay arkaan wixii aan dhibka abuurin, waxa uuna tilmaamay in Dumarka Soomaalida ay u socdaalaan wadamada ay ka jiraan dagaalada sida Yemen iyo wadamo kale.

Waxa uu sheegay in dumarka ay tahriib ku galaan dalka Yemen oo ay ka jiraan dagaalo iyaga oo u maraaya badda, kadibna Tahriib kusii gala dalka Sacuudiga, waxa uuna meesha ka saaray in arrintaasi aysan barbar dhigmi karin dadaalka dowlada.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay kawarqabto dhibaato waliba oo soo gaarta dumarkaasi, waxa uuna farta ku goday in labada dal ay kawada xisaabtami doonaan.

”Dumarka Soomaalida waxa ay ku safraan badaha, Yemen oo dagaal ka socda ayay dhexmaraan waxa ayna ka galaan Sacuudiga, waxaas oo dhan hadda wey dhamaatay, Dowlada ayaa kafiila qaaday, hadaba dhibaato wey soo gaarta balse waxaa ka wanaagsan in dhibaatadu ay kusoo gaarto adiga oo sharci ku socda”

Xassan waxa uu sheegay in dumarkaasi ay u baxeen shaqo, waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan dhibaatooyin gaar ah oo ay la kulmi doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ka soo shaqeynayaan islamarkaana si sharciga waafaqsan oo sharaf leh ay dalka sucuudiga uga shaqeysan doonaan.

Dhawaan ayaa dowladda soomaaliya waxay shaacisay in gabdho Soomaaliyeed oo la diray dalka Sucuudi carabiya si ay uga soo shaqeystaan, laakiin arintaas waxaa ka dhashay muran ay qabaan qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaa in dhaqaalaha ay dumarkaasi ku shaqeeyan ay DFS ka jarto dhaqaale aan la ogeyn sababta looga jaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News