Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhawaan kusoo xiray magaalada Muqdisho shir heerkiisa ka hoos maray oo ay ka qeyb-galeen siyaasiyiinta Soomaalida ee aan mowqifkooda la aqoonin.
Shirkan oo uu markiisa hore rabay Xasan Sheekh inuu ku wada arko mucaaradka muuqda iyo siyaasiyiinta aan weli mowqifkooda caddeyn ayaa u qabsoomi waayay sidii la filaayay kadib markii ay mucaaradka muuqda qaadaceen ka qeyb-galkiisa, waxayna taas madaxweyne Xasan Sheekh ku riixday inuu gaar u arko xubno mucaarad ah oo dhawaan sameystay madal la yiraahdo Samatabixinta.
Xiriir toos ah oo dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah madashan ayaa keenay in lagu heshiiyo kulan gaar ah. Xubnaha madashan oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre oo habeen hore ku shiray magaalada Muqdisho ayaa isku raacay inay aqbalaan la kulanka madaxweynaha.
Waqtiga weli lama iclaamin, laakiin mid kamid ah xubnaha Madasha ayaa inoo sheegay in kulanka uu dhici doono bartamaah asbuucan. Si kulanka looga ilaaliyo inuu yeesho weji beeleed, xubnaha Madasha Samata-bixinta ayaa sugaya Ra’iisul Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kaas oo la filayo inuu soo gaaro Muqdisho.
Madaxaweyne Xasan Sheekh waxaa miiska u saaran in aan loo laaban karin doorashadii dadbaneyd, mucaaradkuna taas waa la qabaan, laakiin meesha la isku hayaa waa sidee looga gudbayaa doorasho dadban.
Xubnaha mucaaradka qaarkood waxay qabaan in xildhibaannada ay ku yimaadan doorasho toos ah, laakiin ay baarlamaanka doortaan madaxweynaha.
Haddii qodobkaan la isla qaato waxaa loo baahan doona in dib looga heshiiyo guddiga doorashada iyo waqtiga, waxaana kale oo halkaan ku lumi doonta awooddii maamul goboleedyada ee doorashada heer federaal.
Xasan Sheekh wuxuu u muuqda inuu sameynayo dabacsanaan naadir ah, waxaana kulanka soo socda uu si weyn hoos ugu dhigi doona culeyskii dhinaca beesha caalamka.