Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay dagaalka musuq-maasuq ee dowladdiisa ay wado, kaasi oo loo soo xir-xiray masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dowladdiisa uusan ku eekayn shaqaalaha hoose ee hay’adaha dowladda, sidaas darteed ay dhawaan maxkamadda kasoo hor muuqan doonaan masuuliyiin sar-sare oo loo haysto musuqa.
“Howshu waa socotaa maalin walbana waxaa loo siii tagayaa lacago dheeri ah iyo meelo ay ku maqan yihiin. Maxkamadda guruubaa hadda taagan, laakiin halkaas kuma dhamaato. Waxaad arki doontaa dad waawayn oo maxkamada taagan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintaan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay ballan-qaadka dowladdiiisa, isagoo la dhawaajiyay in uusan wax ixtiraam ah lahayn qofka xadaya ummadda xoolahooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo hantida dowladda oo ay xadeen daaro waawayn uga dhistay waddamada Turkiga iyo Kenya.
“Nin wax xaday tuug ayaa la yiraahda, magac kale oo la yiraahdo ma aqaano kana xishoon mayno in magacaas loo bixiyo. Qaanta dowladda ma duqowdo oo lama ilaawo waa ku daba-joogta weligaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntiina wuxuu ka digay in hab qabiil lagu difaaco dadka lagu soo eedeeyay musuqa ee haatan maxkamadayntoodu socoto loona haysto tuhunka xatooyo dadweyne, kaasi oo ay ka go’aan gaareyso maxkamadda.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed.
Saraakiishan ayaa hordhac u ah shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.