Xasan Sheekh oo shaaciyey muddada u hartay inay Al-Shabaab uga adkaadaan

London (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay haysataa hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo uu dhow yahay waqtiga loo qabtay in ciidamada ATMIS ay dalka kaga baxaan oo ah December 2024. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. 

“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay dad goobjoog ka ahaa Machadka Royal United Services Institute ee London. 

Diiradadu waxay ahayd ciribtirka “haraadiga” Al-Shabaab, ayuu yiri. Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.

Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay horumarka la gaaray mid dhiirogelin leh, isagoo intaa ku daray in hadda aysan muuqan wax muujinaya in madaxda Al-Shabaab ay doonayaan in wadahadal lala galo dowladda.

“Waxaan aaminsannahay inaan Al-Shabaab uga adkaan doono ciidan ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Royal United Services Institute oo ka dhacay London Talaadadii.

“Ma hayno wax calaamad ah oo muujinaya in Al-Shabaab ay doonayaan wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya [laakin] haddii ay taasi dhacdo berri waa midda aan door bideyno.”