Xog: Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo qaadaya tallaabo ka dhan ah qorshaha Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda guux siyaasadeed oo weyn, kaas oo ka dhan ah qorshaha uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax looga bedelayo dastuurka dalka.

Siyaasiyiintii ugu cusleyd Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku shiraan Muqdisho.

Shirkooda kadib, waxaa soo bixi doona masuuliyiintaan miisaanka leh mowqifkooda siyaasadeed oo jiho cusub u jeexi doona siyaasadda Soomaaliya.

Sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka dalka.

Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, kaas oo kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee BFS, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka.

Sida qorshuhu yahay 25 bishan November ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo kalfadhiga 4-aad baarlamaanka Soomaaliya.

Markii uu furmo kalfadhigaan waxaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh u qorsheysan labada Aqal ee BFS la horgeeyo qorshaha wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka, si loo ansixiyo.