Xog: A/Madoobe oo qayb ka noqonaya dhoolatuska siyaasadeed ee Laftagareen

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoolatus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhaba ka sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Laftagareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhaba ee u dhexeeyo xildhibaanada iyo madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Laftagareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay.

Baydhaba hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaas oo uu Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi, waxayna kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay K/Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddalka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.