Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sheegaya inay kasii dareyso xaaladda adag ee ka taagan deegaanada maamulkaasi oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.
Agaasimaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Aadan Faarax Gaarane oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi.
Gaarane ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatada ay gaysteen fatahaadaha, gaar ahaan dhimashada, wuxuuna sheegtay inay gaaray illaa 20 qof.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad ku dhow nus milyan qof ay ku barakaceen fatahaadaha xoogan ee sanadkan ku dhuftay deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.
Waxaa sidoo kale uu xaqiijiyay in weli ay biyaha ku go’doonsan yihiin qoysas kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo u baahan gargaar samata bixin ah.
Meelaha ugu daran ee dhibaatooyinka laga soo wariyay waxaa kamid ah gobolllada Jubbada Dhexe iyo Gedo, sida uu shaaciyay agaasimuhu.
Aadan Faarax Gaarane ayaa intaasi kusii daray in biyaha ay burburiyeen buundooyinkii ay isticmaalayeen shacabka Baardheere iyo Buurdhuubo oo muhiim u ahaa isku socodka.
Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isna saacadihii ugu dambeeyay kormeer ku tagay qaar kamid ah deegaanada ay kusoo barakeceen dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka jira deegaanada Jubaland.
Axmed Madoobe waxaa kormeerkan ku wehlinayay qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo gargaar gaarsiiyay shacabka.
“Maanta Waxaan kormeer ugu tagnay dadka kasoo barakacay deegaanada ay sameeyeen fatahaadaha iyo daadka ka jira deegaanada Jubaland iyadoo ay dad ka badan 1 milyan oo qof ay saamaysay dhibaatada fatahaadaha guud ahaan Jubaland” ayuu yiri A/Madoobe.