Antalya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu dadaal ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga, ayaa ka hadlay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood, isagoo sheegay in Xamse uu halkaas u tagay si uu u abuuro jawi wadahadal oo ay ku kulmi karaan labada dhinac.
“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu halkaas u joogaa inuu xal raadiyo. Khilaafka weli lama xallin, wuu huursan yahay, labada dhinacna maxaabiis ayay kala haystaan. Sidaas darteed, ujeedadiisu waa in la abuuro jawi wadahadal dhab ah, maadaama ay jiraan caqabado hor taagan in si toos ah la isula fariisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku sheegtay mid lagu xoojinayo midnimada dalka, taasoo si weyn uga cadhaysiisay Somaliland oo weli u aragta gobolka Sool inuu ka mid yahay dhulkeeda. Xukuumadda iyo goleyaasha Somaliland ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha.
Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo oo ay aasaaseen dadka deegaanka kaddib markii Somaliland laga saaray magaalada Laascaanood horraantii 2023, islamarkaana taageersan dowladda Federaalka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha. Waxay arkaan safarkaasi inuu yahay tallaabo muhiim ah oo u horseedi karta aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan dowladda dhexe.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shacabka magaalada si weyn u soo dhaweeyeen ayaa la hadlay dadweynaha, isagoo sheegay in safarkiisu xambaarsan yahay fariin midnimo iyo nabad.
“Kulankeennu ama booqashadeennu waxay xambaarsan tahay midnimo, nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed. Waxaan leennahay: Khaatumo ha noolaato, dadkeeduna ha noolaadaan. Inaan maanta idinla joogno, waana idinla joogi doonnaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Wuxuu intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay sida diirran ee shacabka Laascaanood u soo dhaweeyeen, isagoo raalli-gelin u diray dadkii muddo dheer cadceedda kula sugayay.
“Waxaan mudanayaal iyo marwooyin aan ka cudurdaaranaynaa oo aan idinka raalli gelinaynaa qorraxda kulul iyo waqtiga dheer ee aad na sugeysay. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta idinla joogno,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Booqashadan ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.

