25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan Sheekh oo shaki galiyay inuu ku guuleysan doono Doorashada (Arrin cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Doorashooyinka ka socda Gobolada dalka iyo tan heerka Madaxweyne ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in iminka ay heer gabagabo marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose, waxa uuna tilmaamay in Doorashada adag ay tahay tan heerka Madaxweyne.

Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu horay u shaaciyay inuu yahay Musharax haddana uu mar kale ku celinaayo, waxa uuna carab dhabay inuu guuleysan doono ama laga guuleysankaro.

”Wey dhicikartaa in leyga guuleysto waayo waxaan tartan kula jiraa rag mar hore isku soo tashtay, waxaana dhicikarto inaan aniga soo laabto oo aan ka guuleysto kuwa ila tartamaaya”

”Aniga kalsooni kuma qabo inaan guuleysan doono ama leyga guuleysan doono, waxaan sidaa u leeyahay waxa ay tahay haddii aad guul iska dhaadhiciso waxaa la kulmi kartaa guul darro sidaa darteed ayaan guul darro u niyeysanayaa maadaama guusha aysan dhibaato ku geysan doonin”

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in markii Doorasho leysugu yimaado ay muhiim tahay in qof waliba uu nasiibka ku kalsoonado, waxa uuna carab dhabay inuu kalsooni ku qabo nasiibka maadaama uusan garankarin waxa uu nasiibkiisa noqon doono.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kamid ah ragga la saadaalinayo inay kusoo bixi doonaan Doorashada Madaxweynaha ee dhawaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Doorashada Somalia ay faragalin ku sameysay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News