Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay doorashadii guddoonka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Doorashada Guddoonka BFS ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Doorashooyinkii Guddoonka Baarlamaanka ee dhacday 11-kii ilaa 12-kii bishan ay tahay mid Somalia u horseedi doonta waji cusub.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Habsami u socodka Doorashooyinka ay rajo badan galinayaan dalka, maadaama laga soo kabanaayo Khilaafaadyadii ka dhexeyn jiray Xubnaha Golaha Shacabka.

Xasan waxa uu tilmaamay in Doorashooyinkii is xigxigay ay muujineyso mas’uuliyada ay guteen Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, waxaana uu tilmaamay in loo dhiibay xil cusub oo la doonayo in loogu adeego diinta, dadka iyo dalka, sida uu haddalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Doorashadii dhacday ay aheyd mid ka duwan kuwii hore, waxa uuna qiray in lagu wada qancay Hanaanka ay Doorashadu u dhacday.

”Waxaan qirayaa in Doorashadu ay aheyd mid si wanaagsan loo soo diyaariyay, isla markaana kuwa guuleystay iyo kuwa laga guuleystay ay ku qanacsan yihiin”

Waxa uu rajo ka muujiyay in Baarlamaanka la doortay in ay ahaan doonaan kuwo Afarta sano ee soo soocta Hoggaamintooda ay toosanaan doonto.

Geesta kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumar laga gaari doono Doorashooyinka harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com