Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay hadallada Cabdi Weli Gaas iyo Muuse Biixi

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland.

Xasan Sheekh ayaa ka codsaday madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland inaysan colaada Tukaraq sii hurinaya isla markaana hadalada xanafta leh oo ay jeedinayaa masuuliyiinta joojiyaan.

“Waxaan kaloo ka codsanayaa madaxda maamulada inay joojiyaan hadalada xanafta leh oo ay warbaahintu isku marinayaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa inuu soo xoogeysto dagaalka. Sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka uusan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed hiig-sanaayo, waxaana uu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso inay si deg deg u joojiyaan dagaalka, maadaama uu dib u dhac u keenayo dalka sidaas darteeda ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa coladada gaamurtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Somaliland iyo Puntland inay xushmeeyaan bisha ramadaan oo ah bil barakeysan oo dadku cibaado mooyee wax kale bishaan qaban.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@live.com