Kheyre oo sheegay 2 arrin oo ay kasoo kabanayaan shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed ay aad uga sii gudbayaan dhaqanadii lagu dhaliili jiray.

Kheyre waxa uu tilmaamay inay u muuqaneyso in Umadda Soomaaliyeed ay yeelanayaan Himilooyin mideysan oo looga fogaanaayo waxyaabaha caqabada ku ah Qaranka iyo dib u dhaca heysta Somalia.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre sheegay inuu dareemaayo in Soomaalida xiligaan ay ka gudbeen laba arrin oo uu tilmaamay inay uga duwanaan jireen adduunka, waxa ayna kala yihiin Mooraal jab daashaday Shacabka iyo in dadka lagu kala sooco qabiilka, balse iminka laga sii gudbaayo.

Waxa uu cadeeyay in labada Sano ee fooda nagu soo heysa ay Somalia ka talaabi doonto dhammaan waxyaabihii sababta u ahaa burburka, isagoo cod dheer ku sheegay in Soomaali cusub ay u muuqato.

‘’Adduunka waxaan uga duwanaan jirnay is faquuqa iyo niyad jabka, waxaa hadda ii muuqda guul laga gaaray ka gudubka waxyaabahaasi, inta dhiman waxaan rajeynayaa inaan ka gudbeyno wakhtiga dhow’’

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in bisha barakeysan fadligeeda ay alle ka baryaan inuu ka dhexsaaro dhibta haraadiga ah ee ka jirta dalka.

Docda kale, Kheyre ayaa ballanqaaday inay xooga saari doonaan wax waliba oo midnimo u noqon doona Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com